Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Qaabilay Wakiilka Cusub ee WHO

Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi.
Kulanka oo socday muddo saacado ah ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda guud ee caafimaadka Somaliland, horumarinta iyo dardargelinta mashaariicda iyo barnaamijyada ay labada dhinac iska kaashadaan, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka hawlaha mudnaanta u leh horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Wakiilka cusub si diirran ugu soo dhaweeyey Somaliland, isaga oo uga mahadceliyey doorka iyo taageerada joogtada ah ee Hay’adda WHO ay ka geysato horumarinta adeegyada caafimaadka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Wakiilka la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda caafimaadka Somaliland, mudnaanta Wasaaradda iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo tayada, baaxadda iyo helitaanka adeegyada caafimaadka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda WHO, si loo dardargeliyo barnaamijyada caafimaadka iyo horumarinta nidaamka adeegyada caafimaadka Somaliland.


0 





