Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Soomaaliya oo Sheegay in Xaaladda Somaliland Aad uga Duwan Tahay Soomaaliya

0
Wednesday November 11, 2026 - 10:44:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Soomaaliya oo Sheegay in Xaaladda Somaliland Aad uga Duwan Tahay Soomaaliya

    Senator Ted Cruz oo su'aalo weydiinayey safiirka ayaa xusay hadal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Ted Cruz oo su'aalo weydiinayey safiirka ayaa xusay hadal


Devin Kennington, oo sheegay in xaaladda dhabta ah ee Somaliland ay aad uga duwan tahay tan Soomaaliya. Safiirka Maraykanka ee dhawaan loo magacaabay Soomaaliya, Devin Kennington, ayaa sheegay in


Washington (Hadhwanaagnews) – Devin Kennington, oo ah safiirka Maraykanka ee loo magacaabay Soomaaliya, ayaa sheegay in xaaladda dhabta ah ee Somaliland ay si weyn uga duwan tahay tan Soomaaliya, isaga oo taageeray hadalkii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala duwan.

 

Hadalkan ayuu Kennington ka sheegay dhegeysi ka dhacay Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka, halkaas oo su’aalo lagaga weydiiyey siyaasadda Maraykanka ee Somaliland, xidhiidhka labada dhinac iyo suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland.

 

Senator Ted Cruz oo su’aalo weydiinayey safiirka ayaa xusay hadal hore oo Madaxweyne Donald Trump ku sheegay in Somaliland tahay dal gebi ahaanba ka duwan Soomaaliya, isaga oo Kennington weydiiyey inuu ku raacsan yahay mowqifka madaxweynaha.

 

Safiirka Devin Kennington ayaa ku jawaabay:

 

"Marka la eego xaqiiqooyinka dhabta ah ee dhulka ka jira (Reality on the Ground), haa, xaaladda Hargeysa iyo Somaliland aad bay uga duwan tahay xaaladda ka jirta Soomaaliya.”

 

Senator Ted Cruz ayaa su’aasha sii ambaqaaday, isaga oo sheegay inuu aaminsan yahay in Madaxweyne Trump si sax ah uga hadlay xaaladda Somaliland, isla markaana Somaliland aanay Soomaaliya ahayn.

 

Cruz ayaa sidoo kale ku dooday in la gaadhay waqtigii Maraykanku si rasmi ah u aqoonsan lahaa Somaliland. Waxa uu su’aal geliyey sababta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku aanay tallaabo hore uga qaadin arrinta aqoonsiga, isaga oo safiirka weydiiyey caqabadaha weli hortaagan aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland.

 

Kennington oo ka hadlay muhiimadda Somaliland u leedahay Maraykanka

 

Isaga oo ka jawaabaya su’aasha Senator Ted Cruz, Devin Kennington ayaa sheegay inaanu wakhtigan awood u lahayn inuu faahfaahin ka bixiyo arrinta aqoonsiga Somaliland, balse uu xaqiijin karo muhiimadda ay Somaliland u leedahay danaha amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga Maraykanka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Senator, waxaan u malaynayaa inaanan hadda awood u lahayn inaan arrintaas ka jawaabo, balse waxaan xaqiijin karaa inay muhiim u tahay danaha amniga qaranka Maraykanka iyo danihiisa dhaqaale iyo ganacsi inaan sii wadno xidhiidhka aan la leenahay Somaliland. Haddii xilka la ii ansixiyo, waxaan idiin xaqiijin karaa inaan hubaal ahaan sii xoojin doono xidhiidhka Somaliland.”

 

Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka

 

Hadalladan ayaa ka mid ahaa su’aalihii iyo jawaabihii laga jeediyey dhegeysiga ansixinta magacaabista Devin Kennington ee xilka Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

 

Dhegeysiga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray siyaasadda Maraykanka ee Somaliland, xidhiidhka labada dhinac, muhiimadda ay Somaliland u leedahay danaha amniga iyo dhaqaalaha Maraykanka, iyo suurtagalnimada in Washington ay mustaqbalka aqoonsato Somaliland.

 

Inkasta oo Kennington uu muujiyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay danaha Maraykanka, haddana jawaabtiisa kama soo bixin ballanqaad cad oo ku saabsan aqoonsi rasmi ah, balse waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay xoojinta xidhiidhka Somaliland haddii Senate-ku ansixiyo magacaabistiisa.

Loading...
Loading...