Somaliland oo Saaka Fuliyey Xukunka Qisaasta ah ee Sagaal Qof
Fulinta xukunnadan ayaa timid kaddib markii dadkaasi lagu helay
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka fulisay xukunka qisaasta ah ee sagaal qof oo hore loogu helay dembiyo dil ah, kaddib markii maxkamaduhu ku rideen xukunnada qisaasta ah ee waafaqsan Shareecada Islaamka.
Fulinta xukunnadan ayaa timid kaddib markii dadkaasi lagu helay dembiyo dil ah, isla markaana lagu xukumay qisaas, sida lagu sheegay warka laga soo saaray arrintan.
Xukuumaddu waxay qisaasta ku tilmaantay tallaabo lagu dhaqan-gelinayo caddaaladda iyo ilaalinta nafta aadamaha, iyadoo fulinta xukunnadu waafaqsan tahay Shareecada Islaamka.
Loading...
Loading...


0 





