Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Bogaadiyey Senator Ted Cruz, Kuna Ammaaanay Taageerada Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa bogaadiyey Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka, isaga oo ku ammaanay doorka uu ka qaadanayo taageerada Somaliland iyo u doodista qaddiyadda aqoonsigeeda.
Wasiirka ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa xidhiidhka bulshada ee X (Twitter), kaas oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ku sheegay inuu si joogto ah ugu mahadnaqayo Senator Ted Cruz, isaga oo ku tilmaamay masuul mabda’ ahaan u taagan taageerada Somaliland, isla markaana si hagar la’aan ah ugu doodaya danaha iyo himilooyinka shacabka Somaliland.
Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa sidoo kale xusay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu hore u caddeeyey in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala duwan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa tilmaamay in Somaliland tahay dal iskiis isu maamula, leh nidaam dimuqraadi ah, isla markaana ah saaxiib muhiim u ah amniga gobolka.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada dadaallada lagu sugayo amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu caddeeyey in Somaliland diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaalaha ee labada dhinacba faa’iidada u leh.
Waxa uu iskaashigaas ku tilmaamay mid muhiim u ah amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.


0 





