Xildhibaan Hore oo Ciraaqi ah oo Meydkiisa Laga Helay Guri Ku Yaalla Beyruut, Dil Ayaa Loo Tuhunsan Yahay
Beyruut (Hadhwanaagnews) – Xildhibaan hore oo u dhashay dalka Ciraaq, Axmed al-Alwani, ayaa meydkiisa laga helay guri ku yaalla caasimadda Lubnaan ee Beyruut, iyadoo mas’uuliyiinta Lubnaan ay dhimashadiisa ku tilmaameen dil qorshaysan.
Sida ay baahiyeen warbaahinta Lubnaan, meydka al-Alwani ayaa fiidnimadii Talaadada laga helay guri ku yaalla xaafadda Tariq al-Jdideh ee magaalada Beyruut.
Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan (NNA) ayaa sheegtay in Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaas, Garsoore Axmed Raami al-Xajj, uu si toos ah uga qayb qaadanayo baadhitaanka dilka, kaas oo ay waddo Waaxda Xogta ee Ciidamada Amniga Gudaha Lubnaan.
Dhanka kale, xafiiska al-Alwani ayaa bayaan uu ku baahiyey baraha bulshada ee X ku tilmaamay geeridiisa "dil qorshaysan” iyo "fal dambiyeed khiyaano ah”, isaga oo ku baaqay in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo dhacdada, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug lahayd.
Bayaanka ayaa lagu yidhi: "Kani ma aha dhacdo caadi ah oo lagu soo koobi karo tacsi iyo cambaarayn. Waa fal dambiyeed u baahan tallaabo rasmi ah oo adag iyo baadhitaan daah-furan oo lagu ogaanayo cidda qorshaysay, cidda fulisay iyo cid kasta oo kale oo ku lug lahayd. Cid kasta oo ka dambaysa, ma jirto cid ka sarreysa in lala xisaabtamo.”
Dhanka kale, ilo ka tirsan hay’adaha garsoorka Lubnaan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in natiijooyinka hordhaca ah ee baadhitaanku muujinayaan in al-Alwani la ceejiyey ilaa uu ka geeriyooday.
Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in la xidhay muwaadin u dhashay Lubnaan oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka, iyadoo baadhitaanku weli socdo.
Ilaa hadda, lama shaacin faahfaahin buuxda oo ku saabsan sababta dilka iyo cidda ka dambaysay qorshihiisa.


0 





