39 Qof oo Ku Dhintay Doon Tahriibayaal Siday oo Ku Qalibantay Xeebaha Senegal
Dakar (Hadhwanaagnews) – Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay doon ay saarnaayeen tahriibayaal ku sii jeeday dalka Spain, kaddib markii ay ku qalibantay xeebaha dalka Senegal, sida ay xaqiijiyeen laamaha gurmadka degdegga ah.
Doonta ayaa Axaddii ku qalibantay xeebaha u dhow deegaanka Kébémer ee waqooyiga magaalada Dakar, xilli ay ka soo shiraacatay magaalada Saint-Louis.
Hawlgallada baadhista iyo samatabbixinta ee ay fuliyeen laamaha gurmadka ayaa lagu helay maydadka dadkii doonta saarnaa, taas oo tirada dhimashada gaadhsiisay 39 qof.
Wararka laga helayo goobta shilku ka dhacay ayaa sheegaya in hal qof oo keliya isagoo nool laga soo badbaadiyey, halka dad kale oo la socday doonta aan weli la hayn xogtooda, isla markaana la la’yahay.
Shilkan ayaa mar kale muujinaya khatarta ay wajahaan dadka tahriibka ku gala safarrada badda ee ay ku doonayaan inay ku gaadhaan dalka Spain, kuwaas oo inta badan mara waddooyin badeed oo halis ah.


0 





