Somaliland iyo Bangiga Adduunka oo Ka Wada Hadlay Mashaariicda Dhismaha Waddooyinka

0
Tuesday November 10, 2026 - 11:18:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Bangiga Adduunka oo Ka Wada Hadlay Mashaariicda Dhismaha Waddooyinka

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdillaahi Xasan Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdillaahi Xasan Aadan



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa kulan la yeelatay wefti ka socda Bangiga Adduunka oo dalka u jooga qiimaynta heerka fulineed ee mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saddex mashruuc oo Bangiga Adduunku maalgeliyo, kuwaas oo kala ah Stairs2Jobs MPA, SHIIP iyo NAGAAD. Waxa si gaar ah looga wada hadlay diyaar-garowga dhismaha waddada Haleeya–Ina Guuxa oo dhererkeedu yahay 94 kiiloomitir, taas oo noqonaysa waddada ugu dheer ee Bangiga Adduunku ka maalgeliyo Somaliland, iyo heerka uu marayo mashruuca Waddada 150-ka ee Hargeysa.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay gudashada waajibaadkeeda ku aaddan dardargelinta hirgelinta mashaariicdan.

 

Wasiirku waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda waddada Haleeya–Ina Guuxa u leedahay isku-xidhka bulshada, fududaynta isu-socodka badeecadaha iyo koboca dhaqaalaha, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in mashruucaasi si habsami leh u hirgalo.

 

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu si dhow ula socon doonto fulinta mashaariicda, si loo xaqiijiyo in ay u socdaan qorshayaasha iyo jadwallada loo dejiyey.

 

Mashaariicdan ayaa qayb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, laguna fududaynayo isku-socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

 


Loading...
Loading...