Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Ka Hadlay Diyaargarowga Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,
Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay kulan ay yeesheen Guddida Fulinta
Xisbiga, kaas oo diiradda lagu saaray hawlaha iyo qorshayaasha shaqo ee
xisbiga, gaar ahaan qabanqaabada Shirweynaha Saddexaad ee WADDANI.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga ayaa
xubnaha Guddida Fulintu ku wadaageen warbixinno muhiim ah, iyaga oo falanqeeyey
hawlaha horyaalla xisbiga iyo heerka diyaar-garowga shirweynaha soo socda.
Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ku baahiyey
bartiisa Facebook ku faahfaahiyey kulanka, isaga oo yidhi:
"Waxa Xarunta Dhexe ee Xisbul Xaakimka WADDANI nooga
qabsoomay shirkii Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI, halkaas oo aannu warbixinno
muhiim ah isku weydaarsannay, isla markaana ay guddidu kaga arrinsatay hawlaha
iyo shaqooyinka xisbiga, iyada oo si gaar ah shirku diiradda u saaray hawlaha
qabanqaabada Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga WADDANI.”
Kulankan ayaa qayb ka ah hawlaha hoggaanka Xisbiga WADDANI
ku diyaarinayo shirweynaha saddexaad, kaas oo ka mid ah qorshayaasha iyo
hawlaha urureed ee xisbiga horyaalla.







0 





