Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Kawaanka Casriga ah Ka Hirgelinaysa Ceelafweyn

0
Tuesday November 10, 2026 - 10:06:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Kawaanka Casriga ah Ka Hirgelinaysa Ceelafweyn

    Isuduwuhu waxa uu indho-indheeyey qaybaha kala duwan ee dhismaha....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isuduwuhu waxa uu indho-indheeyey qaybaha kala duwan ee dhismaha....



Ceelafweyn (Hadhwanaagnews) – Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa dhisme kawaanka casriga ah ka wada degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo la filayo inuu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegyada caafimaadka xoolaha iyo hubinta badqabka hilibka.

 

Isuduwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Gobolka Sanaag, Dr. Maxamed Ibraahin Nuur, oo ku sugan degmada Ceelafweyn, ayaa kormeer ku sameeyey dhismaha kawaanka ay wasaaraddu ka waddo degmada.

 

Isuduwuhu waxa uu indho-indheeyey qaybaha kala duwan ee dhismaha, isaga oo qiimayn ku sameeyey heerka ay marayaan hawlaha dhismuhu iyo halka ay shaqadu marayso.

 

Kawaankan cusub ayaa muhiimad gaar ah u leh bulshada degmada Ceelafweyn, maadaama aanay hore u lahayn kawaan rasmi ah oo lagu qalo xoolaha. Dhismaha cusub ayaa la filayaa inuu kor u qaado nadaafadda goobaha lagu qalo xoolaha, ilaalinta caafimaadka bulshada iyo hubinta in hilibka la isticmaalo uu noqdo mid badbaado leh.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ay ku horumarinayso adeegyada caafimaadka xoolaha iyo kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah xannaanada xoolaha, gaar ahaan gobolka Sanaag iyo degmada Ceelafweyn.


Loading...
Loading...