Komishanka Maamul-wanaagga Somaliland oo Qiimayn Ku Sameeyey Dawladda Hoose ee Boorama
Boorama (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Somaliland, Dr. Aadan Axmed Daahir, iyo Maayarka magaalada Boorama, Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, ayaa si wadajir ah u furay kulan aqoon-korodhsiyo ah oo loo qabtay agaasimayaasha waaxyaha, guddoomiyeyaasha afarta degmo iyo madaxda xafiisyada Dawladda Hoose ee Boorama.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay natiijada qiimayn uu Komishanka Maamul-wanaaggu dhawaan ku sameeyey waaxyaha Dawladda Hoose ee Boorama. Qiimaynta ayaa muujisay in hay’addu gaadhay natiijo togan, isla markaana ay buuxisay halbeegyada iyo shuruudaha lagu qiimeeyo maamul-wanaagga hay’adaha dawladda.
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga ayaa Maayarka Boorama guddoonsiiyey warbixinta rasmiga ah ee qiimaynta, taas oo ka tarjumaysa natiijooyinka laga helay baadhitaankii lagu sameeyey waaxyaha Dawladda Hoose.
Guddoomiyuhu waxa uu masuuliyiinta iyo shaqaalaha Dawladda Hoose ku boorriyey inay sii xoojiyaan hufnaanta, caddaaladda, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, kuwaas oo laf-dhabar u ah maamul-wanaagga hay’adaha dawladda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Komishanka ayaa Maayarka Boorama guddoonsiiyey Buugga Xeer-nidaamiyaha Dawladda Hoose, kaas oo hagaya habsami-u-socodka shaqada iyo ku dhaqanka xeerarka maamulka dawladaha hoose.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamul-wanaagga, tayada adeegyada dawladda hoose iyo ku dhaqanka xeerarka iyo habraacyada maamulka ee degmooyinka Somaliland.


0 





