Somaliland iyo UNDP oo Ka Wada Hadlay Qorshayaasha Horumarinta Qaranka ee NDP III iyo NDP IV
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wefti uu hoggaaminayo Mudane Christophoros Politis, Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Somaliland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo hay’adda UNDP, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada qorshaynta qaranka, taageerada farsamo iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay dhamaystirka hawlaha Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddexaad (NDP III) iyo diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Afraad (NDP IV).
Wada-hadallada ayaa lagu lafo-guray sidii loo sii ambaqaadi lahaa qorshaynta horumarineed ee dalka, loona xaqiijin lahaa in barnaamijyada la diyaarinayo ay waafaqaan mudnaanta, baahiyaha iyo yoolalka horumarineed ee Somaliland.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga farsamo ee labada dhinac, si loo dardargeliyo hawlaha qorshaynta qaranka loona taageero hirgelinta barnaamijyada horumarineed.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ay kula shaqaynayso hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo qorshayaasha qaranka loona xoojiyo iskaashiga dhinacyada horumarinta.


0 





