Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh

0
Monday November 09, 2026 - 09:29:18 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh

    Waxa kale oo uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta laamaha caddaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta laamaha caddaaladda



Burco (Hadhwanaagnews) – Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, Mudane Mawliid Cabdi Muuse Maax, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ku-xigeennadiisa, ayaa maanta kormeer shaqo ku maray laamaha caddaaladda ee gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh.

 

Xeer-ilaaliyaha Guud iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xafiisyada Xeer-ilaalinta ee labada gobol, Xabsiga Dhexe ee Gobolka Togdheer, iyo talisyada qaybaha Booliska ee gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh.

 

Intii uu kormeerku socday, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa u kuur-galay xaaladda maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Gobolka Togdheer, isaga oo mid mid ula kulmay oo waraystay maxaabiista si uu xog uga helo xaaladdooda iyo duruufaha ay ku jiraan.

 

Waxa kale oo uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta laamaha caddaaladda ee labada gobol, isaga oo booqday maxkamadaha iyo xarumaha maamulka ee gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha shaqo ee Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, kuwaas oo lagu eegayo xaaladda iyo habsami-u-socodka shaqada laamaha caddaaladda iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.


Loading...
Loading...