Somaliland iyo Bangiga Adduunka oo Ka Wada Hadlay Diyaarinta Mashaariic Cusub oo Horumarineed

0
Monday November 09, 2026 - 09:23:46 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Bangiga Adduunka oo Ka Wada Hadlay Diyaarinta Mashaariic Cusub oo Horumarineed

    Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa sheegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa sheegtay



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland iyo Bangiga Adduunka ayaa yeeshay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray diyaarinta mashaariic cusub oo horumarineed, kuwaas oo la qorsheynayo inay wax ka qabtaan qaybaha biyaha, xoolaha, beeraha iyo deegaanka.

 

Kulanka oo ay ka qaybgaleen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ay khusayso ayaa lagu falanqeeyey baahiyaha ugu mudan ee dalka, si mashaariicda cusub loogu waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee qaranka, loona hubiyo in maalgelinta la helo ay keento natiijooyin wax ku ool ah.

 

Wada-hadallada ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii loo diyaarin lahaa mashaariic wax ka qabanaya baahiyaha bulshada, korna u qaadaya adeegyada aasaasiga ah iyo koboca qaybaha muhiimka u ah dhaqaalaha Somaliland.

 

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa sheegtay inay hoggaaminayso isku-dubbaridka iyo kormeerka mashaariicda Bangiga Adduunku ka taageero Somaliland.

 

Wasaaraddu waxay sidoo kale mudnaan siinaysaa hufnaanta maamulka, tayada maalgelinta iyo hirgelinta mashaariic si muuqata uga qayb qaata koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu diyaarinayo wejiyo cusub oo iskaashi horumarineed oo u dhexeeya Somaliland iyo Bangiga Adduunka, iyadoo la doonayo in maalgelinta mustaqbalka lagu saleeyo baahiyaha mudnaanta leh ee dalka.


Loading...
Loading...