In ka badan 50 qof Oo lagu dilay Etoobiya
Maamulka gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka Itoobiya ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay weerar ku dileen 52 qof.
Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Khamiista, magaalada Daliti ee degmada Buldiglu, aagga Asosa. Booliska deegaanka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 52 qof.
War kooban oo uu BBC-da siiyay, taliyaha booliska gobolka, Idris Mohammed, ayaa sheegay in weerarku dhacay abbaare 5:00 subaxnimo xilliga maxalliga ah. Waxa uu weerarka ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo dowladda Itoobiya ay u taqaan "Shene”.
Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada ammaanka ee gobolka.
Idris, ayaa sheegay in 21 ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen rayid, halka 31 kalena ay ahaayeen xubno ka tirsan ciidamada ammaanka.
Waxa uu intaas ku daray in goobta weerarku ka dhacay ay xuduud la leedahay gobolka Oromiya, isla markaana muddo dheer ay dhibaato ku hayeen kooxo hubeysan oo ay mas’uuliyiintu xiriiriyaan "Shene”.
"Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa si lama filaan ah ku yimid, waxayna geysteen khasaare badan,” ayuu yiri.
Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka. OLA ayaan weli ka jawaabin eedeymaha ay mas’uuliyiinta deegaanka u jeediyeen. Isku-daygii BBC-da ay jawaab uga raadinaysay afhayeenka OLA ayaan guuleysan.
Source BbC Somali


0 





