Maraykanka oo Abaalmarin $20 Milyan ah u Ballanqaaday Macluumaadka Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan

0
Saturday November 07, 2026 - 14:34:04 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo Abaalmarin $20 Milyan ah u Ballanqaaday Macluumaadka Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan

    Hadallada Trump ayaa imanaya xilli warbaahinta Iiraan ay sheegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadallada Trump ayaa imanaya xilli warbaahinta Iiraan ay sheegtay



Washington (Hadhwanaagnews) – Dowladda Maraykanka ayaa ballanqaadday abaalmarin dhan 20 milyan oo dollar cid kasta oo keenta macluumaad la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka Iiraan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay burburiyeen qalab difaaca cirka ah oo ay Iiraan samaysatay.

 

Hadallada Trump ayaa imanaya xilli warbaahinta Iiraan ay sheegtay in gantaallo lagu weeraray Jasiiradda Qeshm iyo goobo kale oo ku yaalla koonfurta dalkaas.

 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ay weli socdaan, isaga oo intaa ku daray in marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz dib loo furayo.

 

Hadaladan ayaa imanaya xilli ay jiraan xiisado militari iyo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal, iyadoo dhinacyadu ay hadallo kala duwan ka jeedinayaan xaaladda amni iyo wada-hadallada socda.


Loading...
Loading...