Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Kormeer Shaqo ku Tegay Deegaanno ka Tirsan Hawdka Togdheer

0
Saturday November 07, 2026 - 14:25:53 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Kormeer Shaqo ku Tegay Deegaanno ka Tirsan Hawdka Togdheer

    Wasiirka oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan bahda waxbarashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan bahda waxbarashada



Togdheer (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa kormeer shaqo ku soo maray deegaanno ka tirsan dhulka Hawdka ee gobolka Togdheer, isaga oo u kuurgalay xaaladda waxbarashada iyo baahiyaha ka jira deegaannada miyiga ah.

 

Wasiirka oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan bahda waxbarashada ayaa booqday deegaannada Waraabeeye, Harada, Duruqsi, Nasiye, Cali Ciise, Bilcile iyo Dhoqoshay, halkaas oo bulshada deegaanku si diirran ugu soo dhaweeyeen.

 

Intii uu kormeerku socday, wasiirku waxa uu xog-ogaal u noqday xaaladda waxbarashada iyo baahiyaha ka jira deegaannadaasi, gaar ahaan caqabadaha haysta bulshada miyiga ah ee adeegyada waxbarashada.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada ee lagu qiimaynayo adeegyada waxbarasho iyo sidii fursado waxbarasho oo tayo leh loo gaadhsiin lahaa carruurta ku nool deegaannada fogfog ee dalka.


Loading...
Loading...