Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay in Shacabka Dalka Ka Go'an Tahay Difaaca Qarankooda

0
Wednesday November 04, 2026 - 13:47:24 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay in Shacabka Dalka Ka Go'an Tahay Difaaca Qarankooda

    Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay ka go’an tahay inay si midaysan u difaacaan dalkooda iyo qarannimadooda.

 

Qoraal uu Afhayeenku ku baahiyey bartiisa X, kaas oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayuu ku sheegay in geesinimada shacabka Somaliland ay ka dhalatay duruufihii adkaa ee ay soo mareen iyo kalsoonida ay ku qabaan mustaqbalka wanaagsan ee qarankooda.

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland aanay maanta keligeed ahayn, mustaqbalkana aanay keli ahaan doonin, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo taageerada iyo garab-istaagga ay Somaliland ka heli doonto saaxiibbadeeda caalamiga ah.

 

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in adkaynta midnimada shacabka iyo go’aanka lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland ay yihiin laba arrimood oo isku xidhan, isla markaana muhiim u ah difaaca dalka.


Loading...
Loading...