Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo Golaha Guurtida Ka Horjeediyey Warbixin ku Saabsan Waxqabadka Wasaaradda

0
Wednesday November 04, 2026 - 13:44:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo Golaha Guurtida Ka Horjeediyey Warbixin ku Saabsan Waxqabadka Wasaaradda

    Intii kulanku socday, wasiirku waxa uu ka jawaabay su'aalo ay xildhibaannadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii kulanku socday, wasiirku waxa uu ka jawaabay su'aalo ay xildhibaannadu



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa warbixin faahfaahsan ka horjeediyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka wasaaradda, caqabadaha horyaalla iyo qorshayaasha lagu horumarinayo waaxaha tamarta iyo macdanta dalka.

 

Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyey hawlaha u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, isaga oo sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee wasaaraddu doonayso inay ku horumariso qaybaha tamarta iyo macdanta.

 

Intii kulanku socday, wasiirku waxa uu ka jawaabay su’aalo ay xildhibaannadu ka weydiiyeen waajibaadka wasaaradda iyo hawlaha ay qaranka u hayso.

 

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah oo Wasiirka Bogaadiyey

 

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa wasiirka ku bogaadiyey ka soo jawaabista yeedhmadii guddida, warbixinta uu soo bandhigay iyo sida hufan ee uu uga jawaabay su’aalihii ay xildhibaannadu weydiiyeen.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in warbixinta wasiirka loo gudbin doono Golaha Guurtida marka uu goluhu fasaxa ka soo noqdo.

 

Dhankiisa, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa guddida uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo fursadda ay siisay inuu faahfaahin ka bixiyo hawlaha wasaaradda, caqabadaha ay wajahdo iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo waaxaha tamarta iyo macdanta Somaliland.


Loading...
Loading...