Wasiirka Deegaanka Somaliland oo Kulan la Yeeshay Hay'adda Cheetah Conservation Fund (CCF)

Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’adda Cheetah Conservation Fund (CCF), oo ka shaqaysa ilaalinta iyo daryeelka harimacadka.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Duurjoogta, Madaxa Xafiiska Wasiirka iyo La-taliyaha Wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada ilaalinta harimacadka, dhowrista duurjoogta iyo daryeelka deegaanka.
Wada-hadallada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta Wasaaradda Deegaanka iyo hay’adda CCF, gaar ahaan ilaalinta harimacadka iyo dhowrista khayraadka duurjoogta.
Kulankani waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta duurjoogta iyo daryeelka deegaanka Somaliland.



0 





