Agaasimayaal Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aragtiyo Is Khilaafsan Ka Bixiyey Khilaafka Bada Ee Kenya Iyo Soomaaliya

0
Sunday August 11, 2019 - 10:27:08 in News by
  • Visits: 2779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimayaal Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aragtiyo Is Khilaafsan Ka Bixiyey Khilaafka Bada Ee Kenya Iyo Soomaaliya

    Agaasimayaal Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aragtiyo Is Khilaafsan Ka Bixiyey Khilaafka Bada Ee Kenya Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimayaal Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aragtiyo Is Khilaafsan Ka Bixiyey Khilaafka Bada Ee Kenya Iyo Soomaaliya

Hargeysa(HWN):-Agaasimayaasha wasaaradaha gaadiidka iyo waxbarashada ayaa aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyey khilaafka bada ee u dhaxeeya dawladaha soomaaliya iyo Kenya.

Agaasimaha wasaarada gaadiidka Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan iyo agaasimaha wasaarada waxbarashada Axmed Abokor oo fariimo ku baahiyey bogaga ay ku leeyihiin Facebook ayaa soo bandhigay aragtiyaha ay ka qabaan khilaafka Muqdisho iyo Nairobi.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa qoraal uu 7dii bishan Ogoosto soo dhigay bartiisa Facebook ku yidhi: "Kenya xaq ayey u leedahay in ay difaacato xuduudeeda badeed, ha lugu ixtiraamo!”

Hase ahaatee, Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa qoraal uu isna maanta soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku yidhi: "Hadii Kenya ay qaadato bada kismaayo oo ay u dhabawdo arintaasi, waxa soo bixi doona dawlado kale oo bada hungureeya.

Sidaas markay tahay, Somaliland iyo Somalia wixii ka dhaxeeya ee is hayn ah waxa ka wayn waxa walaaltinimada ah ee ka dhaxeeya.”Ayuu Yidhi Agaasime Cumar-sayid

Loading...
Loading...