Danjire Somaliland u Jooga Israa'iil oo Tallaabo Taariikhi ah ku Tilmaamay Aqoonsiga Danjiraha Israa'iil ee Somaliland
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil, Ambassador Mohamed Haji, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay guddoomista warqadaha aqoonsiga ee Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Ambassador Mohamed Haji ayaa sheegay in tallaabadani ay dhammaystirayso aasaaskii xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana labada dhinac u furayso bog cusub oo iskaashi rasmi ah.
Isaga oo arrintan ka hadlayey ayuu yidhi:
"Dhiibista warqadaha aqoonsiga ee Danjire Michael Lotem uu u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waa tallaabo taariikhi ah oo dhammaystiraysa aasaaskii xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Israa’iil.
"Waa mid ka mid ah buundooyinkii ugu dambeeyey ee xidhiidhkan lagu dhammaystirayay. Waxa labada dal u furmay bog cusub oo iskaashi rasmi ah.”
Danjiraha ayaa intaa ku daray in labada dhinac ay hore u dhiseen buundooyin badan oo iskaashi, isla markaana ay socoto shaqo la xidhiidha dhinacyo kala duwan oo istaraatiiji ah.
Waxa uu sheegay in iskaashiga difaaca iyo amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo diyaarinta qaab-dhismeedyada istaraatiijiga ah ay durba saldhig u samaysmeen, isaga oo tilmaamay in hadda loo gudbayo marxalad lagu doonayo in shaqadii hore loo diyaariyey loo beddelo natiijooyin la taaban karo.
Ambassador Mohamed Haji ayaa yidhi:
"Buundooyin badan ayaa hore loo dhisay, shaqo culusna way socotaa. Iskaashiga difaaca iyo amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo diyaarinta qaab-dhismeedyo istaraatiiji ah ayaa durba saldhig loo sameeyey. Waxa aynu hadda u gudbaynaa marxalad ay shaqadii la soo diyaariyey isu beddelayso natiijooyin la taaban karo.”
Danjiraha oo shacabka Somaliland ugu baaqay midnimo
Ugu dambayn, Ambassador Mohamed Haji ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay muujiyaan midnimo iyo isku-duubni, isaga oo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweynaha iyo hawlaha waaweyn ee socda ay u baahan yihiin taageero iyo aragti mideysan oo ku wajahan danta guud.
Waxa uu xusay in kala duwanaanshaha xisbinimo aanu caqabad ku noqon karin isku-duubnida bulshada marka laga hadlayo danaha guud ee dalka.
Waxa uu yidhi:
"Anigu shacabkayga hal wax ayaan ku dardaaraya: siyaasadda uu Madaxweynuhu wado, ee aan shaqooyinkeeda waaweyn gacanta ugu hayo oo aad u farabadan, waxa ay u baahan yihiin midnimo shacab oo rasmi ah. Xisbiga aad doonto ku jir, laakiin shaqadaasi waxa ay inaga baahan tahay waa isku-duubni iyo in aynu hal aragti ka yeelano danteena guud, dalalka waaweyn iyo kuwa dhexe ee iskaashigu inoo bilaabmay.”


0 





