Britain oo Diyaar u ah Raalli-gelin ku Saabsan Addoonsigii Taariikhiga ahaa, balse Diiday Magdhow Lacageed
Hadhwanaagnews – Ra’iisul Wasaaraha Britain, Andy Burnham, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in laga wada hadlo raalli-gelin rasmi ah oo dalkiisu ka bixiyo doorkii uu ku lahaa ganacsigii addoonsiga ee Badweynta Atlaantikada, hase yeeshee waxa uu meesha ka saaray bixinta magdhow lacageed.
Burnham ayaa arrintan ku sheegay maqaal uu ku qoray wargeyska The Guardian, ka hor shir-madaxeedka dalalka Barwaaqo-sooranka oo ka furmaya Antigua iyo Barbuda.
Waxa uu muujiyey murugo ku saabsan dhibaatadii loo geystay malaayiin qof oo la addoonsaday, balse waxa uu ku dooday inaan dadka Britain ee maanta nool lagu eedayn karin falal taariikhi ah oo aanay qayb ka ahayn.
Dalalka Kariibiyaanka, oo uu hoggaaminayo ururka CARICOM, ayaa muddo dheer Britain ka dalbanayey raalli-gelin iyo magdhow la xidhiidha dhaxalka addoonsiga. Dalalkaasi waxay sidoo kale diyaariyeen qorshe ka kooban 10 qodob oo ay ku jiraan taageero dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta.


0 





