Safiirka Somaliland ee Israa'iil oo Ka Hadlay Loollanka Juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika
Hadhwanaagnews – Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil, Danjire Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in uu sii xoogaysanayo loollanka juqraafi-siyaasadeed ee gobolka, isla markaana Geeska Afrika uu isu beddelayo goob ay ku kulmaan dano istaraatiiji ah oo waaweyn.
Safiirku waxa uu caddeeyey in Somaliland ku jirto meel wanaagsan oo ay si xeeladaysan ugu maareyn karto isbeddellada ka socda gobolka, isaga oo xusay inay wadaan qorshe istaraatiiji ah oo lagu xaqiijinayo danaha qaranka ee mustaqbalka.
"Loollanka juqraafi-siyaasadeed ee gobolka wuu sii xoogaysanayaa, Geeskuna waxa uu isu beddelayaa goob ay ku kulmaan dano istaraatiiji ah oo waaweyn. Somaliland waxay ku jirtaa meel wanaagsan oo ay si xeeladaysan ugu maareyn karto isbeddelladaas.
"Waxaan wadnaa xisaab istaraatiiji ah oo wanaagsan, waxaanu si miyir leh u adeegsanaynaa fursadaha amni, diblomaasiyadeed, dhaqaale, juqraafiyeed iyo siyaasadeed si aan u xaqiijinno danaha qaranka ee mustaqbalka,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil.
Hadallada safiirka ayaa muujinaya sida uu u arko isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka iyo fursadaha istaraatiijiga ah ee Somaliland ka dhex aragto loollanka ka socda Geeska Afrika.


0 





