Trump: "Wada-hadallada Iiraan Si Wanaagsan Ayay U Socdaan, Balse Lama Aamini Karo Mas'uuliyiinteeda"
Washington (Hadhwanaagnews) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wada-hadallada Iiraan ay haatan si wanaagsan u socdaan, balse waxa uu shaki ka muujiyey kalsoonida lagu qabi karo mas’uuliyiinta Iiraan.
Trump ayaa yidhi:
"Wada-hadallada Iiraan haatan si wanaagsan ayay u socdaan, balse dhibaatada ugu weyn ayaa ah in aanay ahayn kuwo la aamini karo. Waxay galaan heshiisyo, kaddibna si fudud ayay uga baxaan ballanqaadyadooda!”
Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayey hoygiisa ku yaalla gobolka Florida, ayuu sidoo kale sheegay in goobihii nukliyeerka ee Iiraan la burburiyey, isaga oo xusay inay hadheen hal ama laba goobood oo kale oo ay tahay in wax laga qabto.
"Goobihii nukliyeerka ee Iiraan waa la burburiyey, waxaana haray hal ama laba goobood oo kale oo ay tahay inaan wax ka qabanno,” ayuu yidhi Trump.
Hadallada Trump ayaa imanaya kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanku hore u sheegay in Donald Trump aanu weli go’aan ka gaadhin in weerar milatari lagu qaado Iiraan iyo in kale.


0 





