Rasaas Goos-goos ah oo Mar kale Laga Maqlay Mooyaale, Barakaca Itoobiyaanka oo Gaadhay 50,000 Qof

0
Saturday October 31, 2026 - 14:36:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasaas Goos-goos ah oo Mar kale Laga Maqlay Mooyaale, Barakaca Itoobiyaanka oo Gaadhay 50,000 Qof

    Gaadiidka xamuulka ayaa ku xanniban labada dhinac ee xuduudda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadiidka xamuulka ayaa ku xanniban labada dhinac ee xuduudda,



Mooyaale (Hadhwanaagnews) – Rasaas goos-goos ah ayaa mar kale laga maqlay magaalada Mooyaale ee dhinaca Itoobiya, xilli ay sii socoto xiisadda colaadeed ee u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada, taas oo sababtay barakac ballaadhan iyo hakad ku yimid isu-socodka dadka iyo ganacsiga xuduudda.

 

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), oo ku sugan dhinaca Kenya ee xuduudda, ayaa sheegay inuu maqlay rasaas laga ridayey dhinaca Itoobiya.

 

Gaadiidka xamuulka ayaa ku xanniban labada dhinac ee xuduudda, waxaana hakad galay ganacsigii iyo isu-socodkii dadka. Ilaa hadda lama xaqiijin cidda ridday rasaasta iyo khasaaraha ka dhashay.

 

Dhanka kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in tirada dadka ka soo barakacay Itoobiya ee galay Kenya ay gaadhay qiyaastii 50,000 oo qof, halka maalin ka hor lagu qiyaasay 36,000 oo qof.

 

Tiradan ayaa ku salaysan xog laga helay maamulka deegaanka, iyadoo ay weli socdaan diiwaangelinta iyo xaqiijinta dadka barakacay.


Loading...
Loading...