Somaliland oo Sheegtay inay Tallaabo Adag Ka Qaadayso Dadkii Beegsaday Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee Boorama

0
Saturday October 31, 2026 - 14:33:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Sheegtay inay Tallaabo Adag Ka Qaadayso Dadkii Beegsaday Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee Boorama

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun,....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun,....



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay tallaabooyin adag ka qaadayso dad lagu eedeeyey inay magaalada Boorama ku beegsadeen muwaadiniin Itoobiyaan ah, iyadoo si adag u cambaaraysay falalkaasi.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in falalka lagu bartilmaameedsaday muwaadiniinta Itoobiyaanka ahi yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana aanay xukuumaddu u dulqaadan doonin cid kasta oo ku lug yeelata.

 

Wasiirku waxa uu caddeeyey in ajaaniibta ku sugan deegaannada Somaliland ay leeyihiin xuquuq sharci ah, isla markaana aan loo oggolaan karin in si sharci-darro ah loo dhibaateeyo ama dhulka looga eryo.

 

Waxa uu xusay in xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto dadka ku lug yeesha falalka noocaas ah, isaga oo adkeeyey in ilaalinta xuquuqda dadka ajaaniibta ahi ay tahay arrin aan laga tanaasuli karin.


Loading...
Loading...