Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland oo Digniin u Diray Magafayaasha, Baaqna u Jeediyey Dhalinyarada
Wasiirka oo maanta magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey dhalinyaro....
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada Somaliland, Saleebaan Ducaale, ayaa digniin u diray dadka dhalinyarada ku dhiirrigeliya tahriibta, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan falalka ay dhalinyarada ku gelinayaan khatarta.
Wasiirku waxa uu sheegay in dhalinyaradu ay muhiim tahay inay dalkooda joogaan oo ay shaqaystaan, isaga oo xusay in tahriibtu leedahay dhibaatooyin badan, isla markaana dalalka dibadda loo tago ay tahay waxbarasho iyo caafimaad, balse aanay jirin dal ka wanaagsan dalkooda.
Wasiirka oo maanta magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey dhalinyaro laga soo celiyey dalka Liibiya, ayaa ka hadlay khataraha tahriibta iyo dhibaatada ay dhalinyaradu kala kulmaan safarradaas.
"Dal dibadeed waxa loo tagaa waxbarasho iyo caafimaad, ma aha dhalinyaradu inay naftooda halis geliyaan, badaha maraan, magafayaashu qabsadaan, xabsina galaan. Waxaan leeyahay dhalinyarada Somaliland, dalkiinna iyo ciddiiinna aamina oo ku noolaada, hana tahriibina.
"Kuwa dadka tahriibinaya dhalinyarada waxaan leeyahay: ka waantooba dadka aad tahriibinaysaan iyo waalidka aad lacagta ka guranaysaan. Haddaad magafayaashoow ka waantoobi waydaan, sharciga ayaan idin marinaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland, Saleebaan Ducaale.
Wasiirku waxa uu mar kale ku celiyey baaqiisa ku wajahan dhalinyarada Somaliland, isaga oo ku boorriyey inay dalkooda joogaan, kana fogaadaan safarrada tahriibta ee naftooda iyo mustaqbalkooda gelin kara khatar.
Loading...
Loading...


0 





