Xildhibaan Ugaas oo Ka Horyimid Hab-dhaqanka Lagula Kacay Oromada Boorama, Baaqna u Diray Laamaha Amniga
Waxa uu maamulka gobolka iyo laamaha amniga ugu baaqay i
Boorama (Hadhwanaagnews) – Xildhibaan Axmed Yuusuf Sheekh Axmednuur (Ugaas), oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si adag uga horyimid hab-dhaqanka lagula kacay dadka Oromada ah ee ku sugan magaalada Boorama, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqdooda, lana hubiyo in tallaabo kasta oo laga qaadayo ay u dhacdo si nabadgelyo iyo sharci waafaqsan.
Xildhibaanku waxa uu sheegay inaanay jirin wax cudurdaar u noqon kara ku xadgudubka xuquuqda dadka, xataa haddii ay jirto baahi loo qabo in magaalada laga saaro.
Waxa uu maamulka gobolka iyo laamaha amniga ugu baaqay inay xaaladda si masuuliyad leh u maareeyaan, isla markaana ka hortagaan falalka cabsi gelinaya dadka iyo qoysaskooda.
"Waxaan si cad uga muujinayaa walaac iyo diidmo hab kasta oo khaldan oo dadka Oromada ah ee magaalada Boorama loogu gaystay. Haddii magaalada laga saarayo, ma aha in lagu xadgudbo xuquuqda ay leeyihiin. Ilaahay ha laga cabsado, si nabadgelyo ahna ha loo dhaqmo,” ayuu yidhi Xildhibaan Ugaas.
Waxa uu xusay in qof kasta, meel kasta oo uu ka soo jeedo, mudan yahay caddaalad, sharaf iyo bani’aadannimo, isaga oo ka digay tallaabo kasta oo dadkaasi ku abuuri karta cabsi iyo hubanti la’aan la xidhiidha badbaadadooda iyo tan qoysaskooda.
"Qof kasta, meel kasta oo uu ka soo jeedo, waxa uu mudan yahay in loola dhaqmo si caddaalad, sharaf iyo bani’aadannimo leh. Haddii ay jiraan arrimo u baahan in wax laga qabto, waa in loo maro hannaan nabadgelyo oo la ilaaliyo amniga iyo xuquuqda dadka qaxootiga ah,” ayuu yidhi.
Xildhibaan Ugaas ayaa sheegay in nabadda Boorama lagu ilaaliyo caddaalad, ixtiraamka xuquuqda dadka iyo masuuliyadda maamulka. Waxa uu hay’adaha ay khusayso ku boorriyey inaanay indhaha ka qarsan xaaladda, balse ay xaqiijiyaan in arrinta loo maareeyo si waafaqsan sharciga iyo bani’aadannimada.
"Boorama waa magaalo nabadeed, nabadduna waxay ku dhisantaa caddaalad iyo ixtiraamka xuquuqda dadka masaakiinta ah ee kugu dhex nool. Waa muhiim in maamulka iyo hay’adaha booliska ee ay khusayso ay arrintan si nabadgelyo ah u maareeyaan,” ayuu yidhi.
Gebagebadii, Xildhibaan Ugaas ayaa maamulka gobolka iyo laamaha amniga ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin masuuliyad ku dhisan oo lagu ilaalinayo nabadda, amniga iyo karaamada dadka, lagana fogaado fal kasta oo sii hurin kara xiisadda bulshada dhexdeeda.
Loading...
Loading...


0 





