10 Kooxood oo Gobollada Somaliland ka Socda oo Ku Tartamaya Horyaalka Horyaalada Kubadda Kolayga
10-ka kooxood ee ka qaybgalaya tartanka
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Somaliland, Siciid Xarbi, ayaa shaaciyey qabsoomidda tartanka Horyaalka Horyaalada Kubadda Kolayga Somaliland, kaas oo ay ka qaybgalayaan 10 kooxood oo ka kala socda gobollada dalka, isla markaana lagu qaban doono magaalada Hargeysa.
Tartankan oo isu keenaya kooxaha kubadda kolayga ee ka kala socda gobollada Somaliland, ayaa lagu wadaa in lagu furo Garoonka Kubadda Kolayga ee Tima-cadde ee caasimadda Hargeysa.
Tartanka ayaa fursad u noqonaya kooxaha ka qaybgalaya inay ku loollamaan hanashada horyaalka, isla markaana ay muujiyaan heerka ciyaareed ee kooxahooda.
10-ka kooxood ee ka qaybgalaya tartanka
Kooxaha ka qaybgalaya tartanka ayaa kala ah:
Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa): Gaashaan Hargeysa, Dowladda Hoose ee Hargeysa, Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Wasaaradda Warfaafinta.
Gobolka Awdal: Dowladda Hoose ee Boorama iyo Goodir Boorama.
Gobolka Gabiley: Dowladda Hoose ee Gabiley.
Gobolka Saaxil: Dowladda Hoose ee Berbera.
Gobolka Togdheer: Dowladda Hoose ee Burco.
Gobolka Sanaag: Dowladda Hoose ee Ceerigaabo.
Guddoomiye Siciid Xarbi ayaa sheegay in kooxaha tartanka ka qaybgalaya laga doonayo inay soo gaadhaan magaalada Hargeysa 13-ka bisha November, si loogu diyaar garoobo furitaanka tartanka.
Loading...
Loading...


0 





