Golaha Wakiillada Somaliland oo Darsaya Qoondada Haweenka iyo Wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka

0
Thursday October 29, 2026 - 02:11:51 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada Somaliland oo Darsaya Qoondada Haweenka iyo Wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka

    Kulanka wada-tashiga ah oo uu furay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, ahna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka wada-tashiga ah oo uu furay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, ahna



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddida Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca Golaha Wakiillada Somaliland ayaa wada-tashi dadweyne ka bilowday sidii loo xoojin lahaa matalaadda haweenka ee goleyaasha deegaanka, iyada oo la eegayo wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka Guud, Xeer Lr. 91/2023, gaar ahaan samaynta qoondo gaar ah oo haweenka loogu qoondeeyo.

 

Kulanka wada-tashiga ah oo uu furay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Siciid Mire Faarax (Giire), waxa ka qaybgalay ururrada bulshada, musharraxiinta haweenka iyo guddoomiyeyaasha garabyada haweenka ee xisbiyada qaranka.

 

Wada-tashigan ayaa qayb ka ah dadaallada guddidu ku ururinayso aragtiyaha iyo talooyinka bulshada, si wax-ka-beddelka xeerka loogu saleeyo soo-jeedinno kor u qaadaya ka-qaybgalka haweenka ee goleyaasha deegaanka.

 

Qodobka qoondada haweenka ayaa ka mid ah arrimaha laga wada-tashanayo, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta matalaadda haweenka ee goleyaasha deegaanka.


Loading...
Loading...