Somaliland: Wasiirka Qorshaynta oo Daahfurtay Sahanka Caalamiga ah ee MICS7

0
Thursday October 29, 2026 - 02:07:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Wasiirka Qorshaynta oo Daahfurtay Sahanka Caalamiga ah ee MICS7

    Munaasibadda daahfurka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadda daahfurka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay...



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa si rasmi ah u daahfurtay Sahanka Caalamiga ah ee Tusayaasha Badan ee Hooyada iyo Dhallaanka (MICS7), kaas oo dhawaan laga fulin doono gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Sahankan ayaa lagu ururin doonaa xog muhiim ah oo la xidhiidha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, nafaqada, waxbarashada, biyaha, fayadhowrka iyo ilaalinta carruurta. Xogtan ayaa loo adeegsan doonaa qiimaynta xaaladda nololeed ee bulshada, qorshaynta qaranka iyo dejinta siyaasadaha horumarineed.

 

Munaasibadda daahfurka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday hay’adaha dawladda, UNICEF, dalladda hay’adaha aan dawliga ahayn, jaamacadaha dalka iyo hay’ado kale oo ay khusayso hirgelinta sahanku.

 

Masuuliyiintii ka qaybgalay munaasibadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha kala duwan iyo adeegsiga xog sugan oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

 

Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi ayaa bulshada ku boorrisay inay si buuxda ula shaqeeyaan kooxaha sahanka fulinaya, isla markaana ay bixiyaan xog sax ah oo dhammaystiran, si natiijooyinka sahanku uga tarjumaan xaaladaha dhabta ah ee qoysaska Somaliland.


Loading...
Loading...