Wasiirka Duulista Somaliland oo Golaha Wasiirrada uga Warbixiyey Safarro Shaqo iyo Go'aanka Nidaamka BSP

0
Thursday October 29, 2026 - 02:04:55 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Somaliland oo Golaha Wasiirrada uga Warbixiyey Safarro Shaqo iyo Go'aanka Nidaamka BSP

    Dedaallada Lagu Xaqiijinayo Maamulka Hawada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dedaallada Lagu Xaqiijinayo Maamulka Hawada Somaliland



Hadhwanaagnews – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixiyey safarkiisii shaqo ee Canada iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo uu kulamo kula yeeshay dalal saaxiib la ah Somaliland iyo hay’ado kala duwan.

 

Kulamadaas ayaa lagaga wada hadlay maamulka hawada Somaliland, caqabadaha la xidhiidha nidaamka E-Visa iyo carqaladaha saameeya duulimaadyada rayidka ah.

 

Dedaallada Lagu Xaqiijinayo Maamulka Hawada Somaliland

 

Wasiir Fu’aad Axmed Nuux ayaa sheegay in kulamadii uu magaalada Montreal kula yeeshay dhinacyada ay khusayso arrimaha duulista hawadu ay qayb ka ahaayeen dedaallada sharci iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland ugu jirto xaqiijinta xuquuqdeeda maamulidda hawadeeda.

 

Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada u caddeeyey in nidaamka iibka iyo maaraynta tigidhada diyaaradaha ee BSP, oo maamulka Muqdisho ku dhawaaqay, aanu khusayn Somaliland, isla markaana aan laga hirgelin doonin madaarrada dalka.

 

Somaliland oo Mamnuucday Tigidhada Nidaamka BSP

 

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa 25-kii Oktoobar 2026 soo saartay amar rasmi ah oo faraya shirkadaha diyaaradaha ee Somaliland ka hawlgala inaanay adeegsan nidaamka BSP.

 

Amarkan ayaa dhigaya inaan madaarrada Somaliland lagaga dhoofi karin tigidhada lagu soo saaray nidaamkaas, xataa haddii tigidhada dibadda laga soo goostay ama ay yihiin kuwo tegis iyo soo-noqosho ah.

 

Shirkadaha Diyaaradaha oo Lagu Amray Inay Rakaabka Wargeliyaan

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in shirkadaha diyaaradaha lagu amray inay go’aanka gaadhsiiyaan wakiilladooda iyo xarumahooda iibka tigidhada, si loo hubiyo in awaamiirta cusub la gaadhsiiyo dhinacyada ay khusayso.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xukuumadda Somaliland ay sii waddo dedaallada sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo xuquuqda ay ku leedahay maamulka hawadeeda, iyadoo taageero iyo wada-shaqayn ka helaysa dalal saaxiib ah iyo hay’ado caalami ah.


Loading...
Loading...