Eurasia Review: Dekedda Berbera oo Xoojinaysa Doorka Istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Ganacsiga Geeska Afrika

0
Wednesday October 28, 2026 - 11:59:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eurasia Review: Dekedda Berbera oo Xoojinaysa Doorka Istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Ganacsiga Geeska Afrika

    Dekedda Berbera oo Fursado Dhaqaale Abuuraysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekedda Berbera oo Fursado Dhaqaale Abuuraysa



Hadhwanaagnews – Warbaahinta Maraykanka ee Eurasia Review, oo ka faalloota siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha, amniga iyo xidhiidhada caalamiga ah, ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay sii xoojinayso doorkeeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, iyadoo Dekedda Berbera iyo marinkeeda ganacsi ay noqonayaan fursado muhiim u ah koboca dhaqaalaha, iskaashiga gobolka iyo isku xidhka suuqyada caalamiga ah.

 

Sida lagu sheegay warbixinta Eurasia Review oo uu soo xigtay wargeyska Dawan, Dekedda Berbera waxay leedahay goob juqraafiyeed oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo Gacanka Cadmeed, una dhow marin-biyoodka Baabul-Mandab ee isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

 

Warbixintu waxay xustay in maalgelinta shirkadda DP World ee dekedda, ballaadhinta awoodda qaabilaadda konteenarrada iyo horumarinta Aagga Dhaqaalaha Berbera ay abuureen saldhig lagu kobcin karo ganacsiga, saadka iyo adeegyada dhoofinta.

 

Dekedda Berbera oo Fursado Dhaqaale Abuuraysa

 

Warbixinta Eurasia Review ayaa tilmaantay in horumarka Dekedda Berbera uu Somaliland siinayo fursado ay ku kordhiso dakhliga ganacsiga, ku abuurto shaqooyin cusub, isla markaana ku soo jiidato maalgelin dheeraad ah.

 

Waxa kale oo ay sheegtay in horumarka dekedda iyo marinkeeda ganacsi uu fursado u abuuri karo ganacsatada maxalliga ah, gaadiidleyda, shirkadaha dhoofiya badeecadaha iyo xoolaha, iyo shirkadaha bixiya adeegyada saadka.

 

Sida ay warbixintu tilmaamayso, ka faa’iidaysiga fursadahan ayaa qayb ka qaadan kara koboca dhaqaalaha iyo ballaadhinta adeegyada ganacsi ee Somaliland.

 

Itoobiya oo Danaynaysa Marinno Ganacsi oo Kala Duwan

 

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Itoobiya, oo ah dal aan lahayn xeeb badeed, ay u baahan tahay marinno ganacsi oo kala duwan si loo yareeyo ku-tiirsanaanta hal waddo oo badeecadaha laga soo dejiyo laguna dhoofiyo.

 

Dhanka kale, Somaliland ayaa danaynaysa in Dekedda Berbera ay noqoto marin ganacsi oo muhiim u ah gobolka.

 

Sida lagu sheegay warbixinta, iskaashiga labada dhinac waxa uu horseedi karaa korodhka badeecadaha dekedda mara, maalgelin dheeraad ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo koboc gaadha magaalooyinka iyo deegaannada ku teedsan marinka Berbera.

 

Somaliland oo Sheegtay Inay Diyaar u Tahay Wadaxaajoodyada Itoobiya

 

Warbixinta ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu 12-kii Oktoobar 2026 sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadaxaajoodyo ku saabsan marin-badeedka Itoobiya iyo isticmaalka Dekedda Berbera.

 

Wasiirku waxa uu tilmaamay in dekedda iyo marinnada ganacsi ee Somaliland ay fursad u yihiin labada dhinac, isaga oo sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka gobolka lagu xalliyo wada-hadal.

 

Hadalkan ayaa qayb ka ah doodda ku saabsan muhiimadda ay Dekedda Berbera u leedahay ganacsiga gobolka iyo fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

 

Berbera oo Fure u Noqon Karta Koboca Dhaqaalaha

 

Eurasia Review ayaa warbixinteeda ku xustay in muhiimadda Dekedda Berbera aanay ku koobnayn awoodda ay u leedahay qaabilaadda maraakiibta iyo konteenarrada, balse ay sidoo kale Somaliland u tahay fursad ay ku horumariso ganacsigeeda, ku soo jiidato maalgelin, ku abuurto shaqooyin, kuna xoojiso xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska ah.

 

Warbixintu waxay tidhi:

 

"Muhiimadda Dekedda Berbera kuma koobna awoodda ay u leedahay qaabilaadda maraakiibta iyo konteenarrada. Waxay sidoo kale Somaliland u tahay fursad ay ku horumariso ganacsigeeda, ku soo jiidato maalgelin, ku abuurto shaqooyin, kuna xoojiso xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska ah.”

 

Waxa kale oo ay intaas ku dartay:

 

"Somaliland waxay ka faa’iidaysan kartaa muhiimadda istaraatiijiga ah ee Berbera iyadoo dhisaysa iskaashi ganacsi oo ku salaysan dan-wadaag, hufnaan iyo nabad. Deked horumarsan iyo heshiisyo si wanaagsan loo maamulo waxay noqon karaan tiirarka koboca dhaqaalaha iyo doorka Somaliland ee ganacsiga Geeska Afrika.”

 

Warbixintu waxay guud ahaan muujinaysaa fursadaha dhaqaale iyo kuwa istaraatiijiga ah ee Dekedda Berbera u leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgelinta, shaqo-abuurka iyo iskaashiga gobolka.


Loading...
Loading...