Ciidanka Dabdemiska Somaliland oo Damiyey Gaadhi Ku Gubtay Xaafadda Masalaha ee Hargeysa
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Taliska Guud ee Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku guulaystay inay damiyaan gaadhi nooca Shaamboo-ga loo yaqaano ah oo dab qabsaday duleedka koonfureed ee xaafadda Masalaha, degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka Dabdemiska ayaa hawlgal degdeg ah ka fuliyey goobta kadib markii lagu soo wargeliyey gubashada gaadhiga, waxaanay ku guulaysteen inay damiyaan dabkii qabsaday.
Gaadhiga oo Lagu Wareejiyey Laamaha Ammaanka
Markii ay dhammeeyeen hawlgalka daminta dabka, Ciidanka Dabdemiska ayaa gaadhiga ku wareejiyey laamaha ammaanka si ay baadhitaan ugu sameeyaan, una ogaadaan sababta keentay gubashadiisa.
Taliska ayaa sheegay in goobta uu shilku ka dhacay aanay joogin cid kale, marka laga reebo qofkii soo sheegay dhacdada ee Ciidanka Dabdemiska ku wargeliyey gubashada gaadhiga.
Ilaa hadda, lama sheegin sababta keentay dabka qabsaday gaadhiga, waxaana laamaha ammaanka loo wareejiyey baadhitaanka dhacdada.


0 





