Gudoomiye Cirro Oo Shaaciyey Safar Uu Ugu Baxay Gobol Uu La Soo Qaadanayo Farxada Ciida Barakaysan Ee Ciidal Adxa
Gudoomiye Cirro Oo Shaaciyey Safar Uu Ugu Baxay Gobol Uu La Soo Qaadanayo Farxada Ciida Barakaysan Ee Ciidal Adxa
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shaaiyey gobol uu socdaal ugu baxay oo uu la qaadanayo ciida barakaysan ee iidal Adxa.
Gudoomiye Cirro ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay inuu safar ugu baxay gobolka Awdal isla markaana farxada ciida barakaysan ee Ciidal Adxa la qaadan doono dadweynaha ku dhaqan xarunta gobolkaasi ee Boorama.
Gudoomiye Cirro ayaa fariinta uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku yidhi "Waxa aan u socdaalay galabta Gobolka Awdal, si aan ula soo ciido shacabka reer Boorama.”
Loading...
Loading...