Agaasimaha Caafimaadka Somaliland oo Xisbiga Kaah Ku Eedeeyey Been iyo Borobagaando
Burco (Hadhwanaagnews) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa si adag uga hadlay dhacdo maanta ka dhacday Cusbitaalka Guud ee Dowladda ee Burco, taas oo la xidhiidhay mashiin la sheegay in xisbiga Kaah uu cusbitaalkaas geynayey.
Agaasimaha ayaa sheegay in caafimaadka iyo bukaannada ku jira cusbitaalladu aanay ahayn in siyaasad lagu dhex daro, isaga oo xisbiga Kaah ugu baaqay inuu fuliyo ballanqaadyadii uu sameeyey, isla markaana uu joojiyo waxa uu ku tilmaamay been iyo borobagaando.
Waxa uu xusay in bukaannada cusbitaallada ku jira aanay u baahnayn kamarado, balse ay u baahan yihiin adeegyo caafimaad oo dhab ah iyo in la fuliyo amarrada iyo ballanqaadyada la xidhiidha daryeelkooda.
"Caafimaadku Siyaasad Ma Galo”
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa hadalkiisa ku adkeeyey in xarumaha caafimaadku u baahan yihiin waxqabad iyo adeegyo la taaban karo, isaga oo xisbiga Kaah ka dalbaday inuu keeno wixii uu ballanqaaday.
Waxa uu yidhi:
"Caafimaadku siyaasad ma galo. Bukaanno iyo dad jilicsan ayaa yaalla, amar ayaana loo qaataa. Xisbiga Kaah waxaan leeyahay, wixii aad keenteen waa laydinka fadhiyaa ee keena. Beenta iyo borobagaandadu ma fiicna, caafimaadkuna ma karo. Bukaannada haddaad wax u sidaan, kamarad uma baahna ee waxay u baahan yihiin in adeegga loo qabto loona keeno.”
Agaasimaha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey baaq ku wajahan xisbiga Kaah oo ah inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa ku saabsan mashiinka la sheegay in loo waday Cusbitaalka Dowladda ee Burco, isaga oo carrabka ku adkeeyey in mudnaanta la siiyo baahiyaha bukaannada iyo adeegyada caafimaad.


0 





