Kenya: Ugu Yaraan 22 Qof oo Ku Dhintay Shil Bas iyo Gaadhi Xamuul ah
Nairobi (Hadhwanaagnews) – Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo maanta oo Axad ah ka dhacay waddada weyn ee isku xidha caasimadda Kenya ee Nairobi iyo magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa, kadib markii bas uu ku dhacay gaadhi xamuul ah.
Booliska Kenya ayaa sheegay in rakaabka baska ay ka soo laabanayeen aas markii shilku dhacay. Guddoomiyaha Gobolka Makueni, Cabdullaahi Khaliif, ayaa isaguna ka digay in tirada dadka dhintay ay kor u kici karto.
Waddo Shilalku Ku Badan Yihiin
Shilkan ayaa dhacay saddex toddobaad kadib markii 17 qof ay ku dhinteen shil kale oo isla waddadaas ka dhacay, taas oo mar kale soo kordhinaysa walaaca laga qabo badbaadada dadka isticmaala waddada isku xidha Nairobi iyo Mombasa.
Hay’adda Qaranka ee Gaadiidka iyo Badbaadada Waddooyinka Kenya ayaa sheegtay in goobta uu shilku ka dhacay loo aqoonsaday meel ay shilalku ku badan yihiin.
Xawaaraha dheeraadka ah ayaa hore loogu tilmaamay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena shilalka waddooyinka Kenya.
Ilaa hadda, xogta la helay waxay xaqiijinaysaa dhimashada ugu yaraan 22 qof, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in tiradaasi ay sii korodho.


0 





