Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay hanjabaad ka timid saraakiil sare oo Mareykan ah

0
Sunday October 25, 2026 - 13:54:31 in News by Maxamed Koranto
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay hanjabaad ka timid saraakiil sare oo Mareykan ah

    "Waxaan jawaab aan la qiyaasi karin ka bixin doonnaa tallaabo kasta oo gardarro ah oo lagu qaado wadajirka dhuleed ee Iran,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan jawaab aan la qiyaasi karin ka bixin doonnaa tallaabo kasta oo gardarro ah oo lagu qaado wadajirka dhuleed ee Iran,"

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay hanjabaad ka timid saraakiil sare oo Mareykan ah oo la xiriirtay suurtagalnimada in Iran mar kale weerar milatari lagu qaado.

"Waxaan jawaab aan la qiyaasi karin ka bixin doonnaa tallaabo kasta oo gardarro ah oo lagu qaado wadajirka dhuleed ee Iran,” ayuu yiri Qalibaf.

Guddoomiyaha baarlamaanka, oo sidoo kale ah wadaxaajoodka ugu sarreeya ee Iran, ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad hordhac ah oo uu Axaddii ka jeediyay kulan furan oo baarlamaanku yeeshay.

Kulankaas, xildhibaannadu waxay sii wadeen dib-u-eegista qorshaha loogu magac daray "Qorshaha Ka-hortagga Saameynta Shisheeye” (Counter-Influence Plan).

Saddex-meelood laba meel xildhibaannada ayaa ka qaybgalay kulanka baarlamaanka ee maanta, kaas oo loo qabtay qaab isku dhafan; qaar ayaa si toos ah u joogay, halka kuwa kalena ay kaga qaybqaateen shir muuqaal ah oo internet-ka ah.

Qalibaf wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii tagay xarunta baarlamaanka si ay uga qaybgalaan kulanka.

Baarlamaanka Iran ayaa muddo bilo ah kulamadiisa ku qabanayay hab internet-ka ah.

Source; BBC Somali



Loading...
Loading...