Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa soo saartay amar degdeg ah
Somaliland ayaa soo saartay amar degdeg ah oo lagu mamnuucay isticmaalka tigidhada diyaaradaha
Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa soo saartay amar degdeg ah oo lagu mamnuucay isticmaalka tigidhada diyaaradaha ee lagu soo saaro nidaamka BSP Soomaaliya, kuwaas oo laga isticmaalo madaarrada Hargeysa iyo Berbera.
Laga bilaabo **1-da Noofambar 2026**, tigidhada waa in laga iibsadaa oo keliya wakiillada safarrada ee haysta ruqsadda rasmiga ah ee Somaliland.
Rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha waxaa looga digay inay iska indho-tiraan amarkan , waxaana shirkadaha lagu waajibiyey inay dib u eegaan tigidhadii hore loo goostay, si looga hortago carqalado safar.
Loading...
Loading...


0 





