Sirdoonka Maraykanka: Iran oo Kordhisay Dadaallada Ay Ku Beegsanayso Diblomaasiyiinta Maraykanka

0
Saturday October 24, 2026 - 10:20:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Maraykanka: Iran oo Kordhisay Dadaallada Ay Ku Beegsanayso Diblomaasiyiinta Maraykanka

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku



Xogo sirdoon oo laga soo xigtay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in Iran ay si weyn u kordhisay dadaallada ay ku beegsanayso diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe iyo meelo kale oo caalamka ah.

 

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in qorshaha Iran ee lagu beegsanayo mas’uuliyiinta Maraykanka uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay.

 

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku soo saaray qoraal, isla markaana Maraykanku uu dhimay tirada shaqaalaha diblomaasiyadeed ee ku sugan dhowr dal oo ka tirsan Bariga Dhexe.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Iran ka qaadi doono tallaabo cusub oo milatari, taas oo kusoo aadaysa iyadoo ay jiraan walaacyo la xidhiidha ammaanka mas’uuliyiinta Maraykanka ee gobolka iyo meelo kale oo caalamka ah.


Loading...
Loading...