Dhisme Ka Kooban In Ka Badan 10 Dabaq oo Ku Dumay Nairobi, Dad Ayaa Laga Cabsi Qabaa inay Burburka Ku Xayiran Yihiin

0
Saturday October 24, 2026 - 09:24:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhisme Ka Kooban In Ka Badan 10 Dabaq oo Ku Dumay Nairobi, Dad Ayaa Laga Cabsi Qabaa inay Burburka Ku Xayiran Yihiin

    Dowladda Kenya oo Ballanqaadday in Sharciga La Horgeyn Doono Cidda Masuulka ka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya oo Ballanqaadday in Sharciga La Horgeyn Doono Cidda Masuulka ka Ah



NAIROBI — Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ku hawlan samatabixinta dadka laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan burburka dhisme ka koobnaa in ka badan 10 dabaq, kaas oo galabta oo Jimce ah ku dumay Waddada 9-aad ee xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.

 

Dhismaha dumay ayaa la sheegay inuu weli socday dhismihiisu, waxaana wararku sheegayaan in dad dhowr ah laga cabsi qabo inay ku xayiran yihiin burburka hoostiisa.

 

Dowladda Kenya oo Ballanqaadday in Sharciga La Horgeyn Doono Cidda Masuulka ka Ah

 

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay la xisaabtami doonto mulkiilayaasha dhismaha iyo shirkadda dhistay, iyadoo digniin u dirtay cid kasta oo lagu helo inay masuul ka ahayd dhismaha dumay.

 

Taliyaha Booliska Gobolka Nairobi, Ciise Maxamuud, ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug lahayd dhismaha, haddii lagu helo dayacaad ama tayo-darro.

 

"Cid kasta oo gacan ku leh dhismahaas waa la dacwayn doonaa, cidna kama cafin doonno dhibaatadan weyn. Dadka dayacaadda iyo tayo-darrada sameeyey waxaa la horgeyn doonaa sharciga,” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Nairobi, Ciise Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta.

 

Hawlgallada Samatabixinta oo Ka Socda Eastleigh

 

Hawlgallada samatabixinta ayaa durba ka bilaabmay goobta uu dhismuhu ku dumay, iyadoo ay halkaas gaadheen kooxaha caafimaadka iyo shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

 

Xaafadda Eastleigh oo ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed ayaa noqotay goobta ay ka socdaan dadaallada lagu baadigoobayo dadka laga cabsi qabo inay ku xayiran yihiin burburka dhismaha.

 

Guddoomiyaha magaalada Nairobi, Johnson Sakaja, iyo Taliyaha Booliska Gobolka Nairobi, Ciise Maxamuud, ayaa ku sugan goobta ay wax ka dhaceen, halkaas oo ay ka socdaan hawlgallada gurmadka.

 

Ilaa hadda, xogta la helay ma caddayn tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeelloobay shilka ama tirada dadka laga soo badbaadiyey burburka.

 

Booliska oo Adeegsaday Sunta Dadka Ka Ilmaysiisa

 

Dhacdada kaddib, ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan dadweyne ku sugnaa goobta, kuwaas oo xidhay waddooyinka soo gala halka uu dhismuhu ku dumay.

 

Xaaladda goobta ayaa weli u baahan gurmad iyo isku-dubbarid, iyadoo kooxaha samatabixintu ay sii wadaan baadigoobka dadka laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan burburka.

 

Sababta rasmiga ah ee keentay dumista dhismaha iyo khasaaraha ka dhashay ayaa weli u baahan in la caddeeyo, iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay inay la xisaabtami doonto cid kasta oo lagu helo masuuliyadda dhacdada.


Loading...
Loading...