Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Golaha ayaa shaaciyey warbixin ku saabsan habsami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Qaranka JSL

0
Wednesday October 21, 2026 - 20:17:38 in News by Maxamed Koranto
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Golaha ayaa shaaciyey warbixin ku saabsan habsami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Qaranka JSL

    Waxa uu si gaar ah u xusay guulaha diblomaasiyadeed ee laga soo hooyey safarkii shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Maraykanka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu si gaar ah u xusay guulaha diblomaasiyadeed ee laga soo hooyey safarkii shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Maraykanka,
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan habsami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Qaranka JSL, kor u kaca muuqaalka, sumcadda iyo miisaanka diblomaasiyadeed ee JSL, iyo danaynta sii kordhaysa ee ay beesha caalamku u hayso Somaliland.
Waxa uu si gaar ah u xusay guulaha diblomaasiyadeed ee laga soo hooyey safarkii shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Maraykanka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay hadalkii uu Madaxweynaha Maraykanku ka sheegay Somaliland (Somaliland waa dal ka duwan Soomaaliya) kaasi oo sare u qaaday muuqaalka Qaranka, soo jiitay indhaha caalamka, isla markaana horseeday fursado iyo xidhiidho caalami ah oo cusub, kaasi oo xoojinaya meeqaamka Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto xaqiijinta danaha iyo himilooyinka Qaranka.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaaraddu ay diyaarinayso hab-raacyo rasmi ah oo lagu jaan-gooynayo hab-maamuuska diblomaasiyadeed ee ay tahay in loo raaco Masuuliyiinta sare ee Qaranka JSL marka ay safarro shaqo ugu baxayaan dalalka dibedda, si loo xaqiijiyo nidaam sax ah iyo matalaad Qaran oo waafaqsan sharafta, haybadda iyo danaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...