Xuutiyiinta Yemen oo war ka soo saaray weerar Sacuudigu ku eedeeyey

0
Wednesday October 21, 2026 - 13:59:08 in News by Maxamed Koranto
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuutiyiinta Yemen oo war ka soo saaray weerar Sacuudigu ku eedeeyey

    Afhayeen u hadlay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in kooxdaasi aysan Arbacadii wax diyaarado aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeen u hadlay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in kooxdaasi aysan Arbacadii wax diyaarado aan




Hadalkan waxaa jeediyay Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, kaddib markii isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo uu horay u shaaciyay inuu dhexda ugalay oo uu qabtay shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ku wajahnaa Sacuudiga.

Gobolka Madiina ayaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa goobihii la beegsaday weerarradan.

"Afarta diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ee ku wajahnaa Boqortooyada Sacuudiga waa la dhex galay, waana la burburiyay,” ayuu Turki al-Maliki, afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, ku qoray farriin uu ku baahiyay barta X.

Farriin labaad oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in diyaaradahaas lagu dhexda lagu qabtay gobolka bari ee Sacuudiga iyo gobolka Madiina.

Isagoo aan sheegin cidda ka dambaysay weerarrada, ayuu al-Maliki markii dambe shaaciyay in diyaarad kale oo aan duuliye lahayn lagu soo dhexgalay bariga Sacuudiga

Source BBC-Somali

Loading...
Loading...