Wasiirka Duulista Somaliland: "E-Visa-ha Waxaan u Haystaa Khayaanadii Ugu Weynayd ee Adduunka"
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa si adag u dhaliilay mashruuca E-Visa-ha, isaga oo ku tilmaamay khiyaano uu sheegay in looga faa’iidaystay sharciga caalamiga ah.
"Mashruuca E-Visa-ha waxaan u haystaa inuu yahay khiyaanadii ugu weynayd ee adduunyada ka dhacda ee sharciga caalamiga ah looga faa’iidaystay,” ayuu yidhi Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.
Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka wasiirka ee ku aaddan nidaamka E-Visa-ha, kaas oo uu ku eedeeyey in looga faa’iidaystay sharciga caalamiga ah.
"Waxa aan tegayaa wadaykaygii, Evisa kuma gelayo, waxa aan ku gelayaa Baasaaboorkayga, ma jirto Evisa aan qaadanayaa" Fu,aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista iyo Hawada JSL
Intaan Ku Dar Warka Ilaa Heshiiskii Somaliland Iyo Somalia Ee Turkiga Ku Dar Ee Ahaa 2013 Kii Armaha Hawada
"Nimanka maamulka Soomaaliya ee muqdisho ka dhisani waxa ay ka Faa’iidaysanayaan heshiis khalad ahaa oo ay Somalliland la gashay 2013" Fu,aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista iyo Hawada JSL.


0 





