Jaamacada Camuud Oo Tababar Dhinaca Tayaynta Ah U Soo Xidhay 142 Macalin

0
Saturday August 10, 2019 - 20:29:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada Camuud Oo Tababar Dhinaca Tayaynta Ah U Soo Xidhay 142 Macalin

    Boorama (HWN) 142 macalin oo ah macalimiinta joogtada ah ee Jaamacada Camuud ayaa la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) 142 macalin oo ah macalimiinta joogtada ah ee Jaamacada Camuud ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ay Mutaysteen kadib markii ay qaateen tababar socday mudo 5 maalmood  ah oo ku aadan dhinaca kor u qaadaista xirfadaha waxdhigista, samaynta imtixaanada iyo qiimaynta ardayda cilmi baadhista samaynaya.



Xidhitaankii tababarkan oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Sare ee Jaamacadda Camuud ayaa waxa ugu  horayntii ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Arimaha Waxbarashada ee Jamacada Dr. Maxamed Muuse Jibriil, waxana uu ka waramay ahmiyada tababarkan waxana auu yidhi


"Tababrkan waxa uu daba socdaa tababaradii hore, waa mid si gaar ah aan diirada ugu saaraynay sedex arimood kala ah, Pre teaching in higher education, Setting examination in higher education, Supervision of student’s research project, tababarkan oo socday mudo 5 maalmood ah, waxa ka qayb qaatay 140 Macalin oo joogto u ah jaamacadda Camuud, waxana bixinayay 3 macalin oo Phd ah oo jaamacadda wax ka dhiga, waxana aan ka marag-kacaynaa in macalimiintu ay si mug leh uga faaiidaysteen tababarkan”


Sidoo kale ayaa Gudoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Bulshada ee Jamacadda Camuud Prof. Maxamed Maxamuud Jaamac Diiriye uu halkaas ka hadlay  waxana uu ka qayb qaatayaasha tababakan ku dardaaray in cilmiga ay barteen ay uga faaiideeyaan ardayda waxana uu yidhi "waxa aad qaadateen 5 maalmood oo tababar ah oo u dhiganta 50 maalmood, waxa loo baahan yahay in aad daahfurtaan hab cusub oo wax dhigid oo jaamacadda u gaar ah, waxa aan rajaynayaa in aad jaamacada tayadeeda waxbarasho ilaalin doontaan, culuuntiina aad sii kordhin doontaan”

 

Sidoo kale waxa madashan ka hadlay Dr. Oso Wilis oo tabarkan macalimiinta bixisay Hormuud u ahaa, Dr. Cabdirashadiid Cumar Sheekh, iyo Dr. Maxamed Cilmi oo ku hadalay afka macalimiinta tababarka la siiyay, waxana ay soo dhaweeyeen ahmiyadii uu tababarkani u lahaa wax-barashada Jaamacadda Camuud.

 

Ugu dambayn ayaa Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Sulleiman Axmed Guuleed oo madashan ka hadlay ayaa is dultaagay ujeedada ay tababarkan u qabatay Jaamacadu waxana uu yidhi "Waxa aan xaqiiqsanay in dhamaan macalimiintu ay yidhii kuwo leh takhasuska maadooyinka ay dhigayaan (Qualified) balse ay u baahn yihiin in lagu tababaro xirfada macalinimo ee salka ku haysa qorshaynta casharka, gudbinta casharka iyo qiimaynta adrayga, waana midaas mida aan u baahanahay in ay soo kordhiso tayo dheeraad ah”


Prof. Saleebaan oo hadalka sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in waxbarashadu aanay ahayn mid dhamaata, waxana uu yidhi "sideedaba waxbarashadu waa waayo aragnimo u dhaxaysa dhalashadaada ilaa dhimashadaada, 10kii sano ee kastana waxa jira isbedel dhinaca waxbarashada ah, waxana aan u baahanay in aan isbedelkaas la jaanqaadno, muhiimaduna waxa ay tahay in cilmiga la idin baray aad u gudbisaan ardayda, qiimayn joogto ahna waan ku samayn doonaa kuliyad walba”


Si kastaba ha ahaatee, tababarkan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee ay jaamacadu qabato labadii sano ee u dambeeyay





 

Loading...
Loading...