Iran oo Ka Digtay Korodhka Weerarrada Internetka ee Lagu Beegsanayo Kaabayaasha Isgaadhsiinta Dalka
Tehran (Hadhwanaagnews) – Wasiir ku-xigeenka Isgaadhsiinta dalka Iran, Behzad Akbari, oo sidoo kale madax ka ah shirkadda kaabayaasha isgaadhsiinta dalkaasi, ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey ay si weyn u kordheen weerarrada dhanka internetka ee lagu beegsanayo shabakadaha iyo kaabayaasha isgaadhsiinta Iran.
Masuulkan ayaa digniin u diray hay'adaha dawladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsiyada ku shaqeeya internetka, isaga oo ugu baaqay inay sare u qaadaan feejignaantooda, isla markaana ay xoojiyaan nidaamyada ay kaga hortagaan weerarrada dhanka internetka.
Behzad Akbari ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in labadii maalmood ee u dambeeyey ay kordheen xoogga iyo tirada weerarrada loo yaqaan DDoS, kuwaas oo lagu beegsado shabakadaha internetka si loo carqaladeeyo adeegyada ay bixiyaan.
"Labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa si weyn u kordhay xoogga iyo soo noqnoqoshada weerarrada DDoS ee lagu qaadayo shabakadaha iyo kaabayaasha isgaadhsiinta dalka. Qayb weyn oo weerarradaas ka mid ah ayaa lagu xakameeyey nidaamyada difaaca ee gudaha iyo dibadda dalka, waxaana la ilaaliyey xasilloonida shabakadaha,” ayuu sheegay Akbari.
Waxa uu intaas ku daray in hay'adaha iyo shirkadaha bixiya adeegyada dijitaalka ah looga baahan yahay inay si joogto ah ula socdaan xaaladda amniga nidaamyadooda, si looga hortago khataraha ka iman kara weerarrada internetka.
"Waxaan kula talinayaa hay'adaha, ganacsiyada internetka, xarumaha kaydiya xogta iyo bixiyeyaasha adeegyada dijitaalka ah inay xoojiyaan diyaargarowga iyo hababka difaaca ee nidaamyadooda amniga, isla markaana ay kordhiyaan la socodka amniga,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Weerarrada DDoS ayaa ah nooc ka mid ah weerarrada internetka ee lagu carqaladeeyo adeegyada shabakadaha, iyadoo nidaam ama mareeg lagu soo rogo codsiyo aad u tiro badan, taas oo keeni karta in adeeggu gaabis noqdo ama muddo kooban hakad galo.
Digniinta ka soo baxday masuulkan Iran ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo hadallo kulul oo u dhexeeya masuuliyiinta Iran iyo Maraykanka, iyadoo sidoo kale ay soo baxayaan warar la xidhiidha suurtagalnimada iska horimaad milatari oo mar kale dhex mara labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiinta Iran ee lagu xusay warbixintan ma sheegin cidda ka dambaysa weerarrada internetka ee la soo sheegay, waxaana aan weli la xaqiijin cidda masuulka ka ah weerarradaasi.


0 





