Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland oo Tababar Muhiim ah u Furay Qaar ka Mid ah Ciidanka Saldhigga Madaarka Hargeysa
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir, ayaa tababar u furay qaar ka mid ah askarta ka hawlgasha saldhigga Booliska ee Madaarka Caasimadda Hargeysa, kaas oo diiradda lagu saarayo ilaalinta marinnada dalka laga soo galo.
Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay in tababarkani yahay mid lagu diyaarinayo tababarayaal cusub (Training of Trainers), kuwaas oo marka ay dhamaystaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen u gudbin doona qaybaha kale ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir ayaa tilmaamay in tababarku si gaar ah diiradda u saarayo sugidda amniga iyo ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dalka laga soo galo, oo ay ka mid yihiin madaarrada, dekedaha iyo marinnada dhulka.
Waxa uu intaas ku daray in askarta ka qaybgalaysa tababarka laga filayo inay door muhiim ah ka qaataan kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidanka kale, isla markaana ay tababarka gaadhsiiyaan gobollada kala duwan ee dalka.
Isaga oo la hadlayey askarta tababarka loo furay, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa yidhi:
"Tababarka aad qaadanaysaan waxa weeyi ilaalinta marinnada dalka laga soo gelayo, sida madaarrada, dekedaha iyo dhulka bannaan, kaasi oo aad sii gaadhsiin doontaan gobollada kale ee dalka.”
Tababarkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta ciidanka Booliska ee ku saabsan ilaalinta marinnada laga soo galo dalka, iyadoo askarta la tababarayo ay mustaqbalka aqoontooda la wadaagi doonaan ciidammada kale ee ka hawlgala gobollada Somaliland.


0 





