Hay'adda Maaliyadda Afrika oo Qorshaynaysa Maalgashi Ballaaran oo Lagu Samaynayo Macdanta Birta iyo Yuraaniyamka

0
Monday October 19, 2026 - 12:39:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Maaliyadda Afrika oo Qorshaynaysa Maalgashi Ballaaran oo Lagu Samaynayo Macdanta Birta iyo Yuraaniyamka

    Hay'adda AFC ayaa hore maalgashi ugu samaysay macdano ay ka mid yihiin....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda AFC ayaa hore maalgashi ugu samaysay macdano ay ka mid yihiin....



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Hay’adda Maaliyadda Afrika (AFC) ayaa shaacisay qorshe ay ku doonayso inay ku ballaadhiso maalgashigeeda dhinaca macdanta, gaar ahaan birta iyo Yuraaniyamka, xilli uu sii xoogaysanayo tartanka caalamiga ah ee loogu jiro helitaanka macdanta muhiimka u ah warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha.

 

Franklin Edochie, oo ah madaxa waaxda macdanta iyo biraha ee AFC, ayaa sheegay in hay’addu ay qorshaynayso maalgelinta mashaariic cusub oo la xidhiidha labadaas macdan, isaga oo tilmaamay inay rajaynayaan in lixda ilaa 12-ka bilood ee soo socda ay ku dhawaaqaan heshiisyo maalgashi oo cusub.

 

Edochie ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Guinea, Liberia, Mauritania iyo Sierra Leone ay leeyihiin fursado waaweyn oo dhinaca macdanta birta ah, isla markaana wax-soo-saarkoodu tobanka sannadood ee soo socda uu ka dhigi karo dalalkaasi kuwo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida ee soo saara macdanta birta.

 

Hay’adda AFC ayaa hore maalgashi ugu samaysay macdano ay ka mid yihiin dahabka, boksaytka, naxaasta iyo manganeeska, waxaanay sidoo kale door muhiim ah ka qaadanaysaa horumarinta mashruuca marinka gaadiidka ee Lobito.

 

Mashruucan ayaa loogu talagalay inuu isku xidho goobaha macdanta laga soo saaro ee dalalka Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo dekedda Lobito ee dalka Angola, si loo fududeeyo gaadiidka iyo dhoofinta macdanta.

 

Qorshahan cusub ee AFC ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanka iyo quwadaha kale ee dhaqaalaha adduunku ay kordhinayaan dadaallada ay ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan helitaanka macdanta muhiimka u ah soo saarista baabuurta korontada ku shaqeeya iyo horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo.

 

Dalalkan ayaa sidoo kale doonaya inay yareeyaan ku tiirsanaanta Shiinaha ee dhinaca sahayda iyo farsamaynta macdanta muhiimka ah, taas oo sii kordhinaysa muhiimadda ay qaaradda Afrika u leedahay suuqyada macdanta ee caalamka.


Loading...
Loading...