Somaliland oo Dardargelinaysa Mashaariicda Koronto-ballaadhinta Berbera iyo Boorama

0
Saturday October 17, 2026 - 15:21:05 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Dardargelinaysa Mashaariicda Koronto-ballaadhinta Berbera iyo Boorama

    Koronto Jaban oo Laga Helo Ilo Tamareed oo Nadiif ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koronto Jaban oo Laga Helo Ilo Tamareed oo Nadiif ah



Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa shir-guddoomiyey kulan lagu dardargelinayo mashaariicda koronto-ballaadhinta magaalooyinka Berbera iyo Boorama.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta halka ay marayaan mashaariicda, shaqooyinka ilaa hadda qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan hirgelintooda. Masuuliyiinta Mashruuca Soo-kabashada Korontada Somaliland (SESRP) ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixin la xidhiidha hawlaha socda iyo heerka ay marayaan shaqooyinka kala duwan.

 

Koronto Jaban oo Laga Helo Ilo Tamareed oo Nadiif ah

 

Mashaariicdan ayaa ujeeddadoodu tahay in magaalooyinka Berbera iyo Boorama laga helo koronto jaban, la isku hallayn karo, isla markaana laga dhaliyo ilo tamareed oo nadiif ah.

 

Hirgelinta mashaariicdan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada korontada, si loo helo adeeg daboolaya baahiyaha bulshada, ganacsiyada iyo qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha.

 

Agaasimaha Guud oo Faray Dardargelinta Shaqooyinka

 

Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa masuuliyiinta mashruuca iyo qandaraaslayaasha ku adkeeyey inay dardargeliyaan shaqooyinka socda, ilaaliyaan tayada farsamo ee mashaariicda, isla markaana ku dhammeeyaan muddadii lagu heshiiyey.

 

Kulanka ayaa qayb ka ah dabagalka iyo qiimaynta joogtada ah ee lagu samaynayo mashaariicda, si loo hubiyo in hawlaha loo qorsheeyey ay u socdaan sidii loogu talagalay.

 

Mashaariicda koronto-ballaadhinta Berbera iyo Boorama ayaa la doonayaa inay kor u qaadaan helitaanka koronto jaban oo la isku hallayn karo, isla markaana gacan ka geystaan horumarinta adeegyada tamarta ee labada magaalo.


Loading...
Loading...