Wasiirka Madaxtooyada JSL: "Madaxweynuhu Markuu Baxo, Muqdisho Lagama Seexdo Ilaa Uu Soo Noqdo"

0
Friday October 16, 2026 - 15:44:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada JSL: "Madaxweynuhu Markuu Baxo, Muqdisho Lagama Seexdo Ilaa Uu Soo Noqdo"

    Waxa uu tilmaamay in dedaalladaasi aanay joogsanayn inta Madaxweynaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu tilmaamay in dedaalladaasi aanay joogsanayn inta Madaxweynaha Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi (Looge), ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu dedaal xooggan geliyey sidii farriinta Somaliland loo gaadhsiin lahaa miisaska caalamka, isaga oo safarradii dibadda ee Madaxweynuhu ku tilmaamay kuwo taariikhi ah.


Wasiir Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ay saamayn weyn ku yeesheen xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho, isaga oo xusay in dhaqdhaqaaqyadaasi ay muujinayaan sida ay muhiim u tahay in Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ka sii waddo gudbinta farriinteeda.

Waxa uu tilmaamay in dedaalladaasi aanay joogsanayn inta Madaxweynaha Somaliland uu safarka ku maqan yahay, balse ay sii soconayaan ilaa uu dalka dib ugu soo laabanayo.

Isaga oo ka hadlayey saamaynta dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland, ayuu yidhi:

"Siyaasaddeenna arrimaha dibeddu waxay maraysaa heer Madaxweynuhu markuu baxo, Muqdisho lagama seexdo ilaa uu soo noqdo.”

Hadalka Wasiirka Madaxtooyada ayaa muujinaya sida uu u arko saamaynta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland iyo muhiimadda uu siinayo safarrada Madaxweyne Cirro ee lagu gaadhsiinayo farriinta Somaliland dhinacyada caalamka.
Loading...
Loading...